Subscribe Us

header ads

QISO KU CIBRA QAADASHO MUDAN

Waxaa la sheegay in mid ka mid ah culumadii cibaadada badnaa ayaa wuxu lahaa qiso cajib ah oo ku saabsan Siduu u tawbadkeenay.


Dadkii magaalada uu joogay ayaa waxay ka codsadeen inuu qasadii toobadkeenkiisa dadka uga sheekeeyo oo uu masaajidka ka akhriyo

Dadkii baa dumar iyo rag masaajidkii yimid !!


-Bal maqal sida uu ugu toobad keenay Ilahay 


Wuxuu yidhi:  waxaa i qaniinay mas dedna waxaan dareemay - xanuun aad udaran ,

xoogaa kadib mayna dareemayn gacantaydu 

Xanuunkii Waxaa i angagay/i,qalashay gacantii midig 


Wuxuu yidhi: Maalmo ka dib gacantaydii kale ee bidix iyaduna  way i angagtay/i qalashay 

mana garanayo waxaan sameeyo iyo waxaan sameeynin midna madamoo iqalaleen. 


Wuxuu yidhi : markaam maalmo sidi ahaa, hadan waxaa i angagtay mid ka mid ah lugahayga saacado markaan joogayna waxaa i qalashay lugtaydii kale waxaan  la i saaray sariir maadaamoy xunbihii i,wada an,gageen.

Ma awoodo inaan dhaqaajiyo jidhkayga kuligii.


Anigoo siidii ah baan maalmo duljiifay sariirtii

Hadana waxaa i angagay indhihii waxaana noqdya indhoole aan waxba arkaynin mudo

Ayaan sidii ahaa hadana waxaa i istaagay oo qalalay carabkii  hadalkiina saasuu igaga xidhmay. Oo mahadli karo 


Maxaa ii hadhay wax ii hadhay majiraan ?


Wuxuu yidhi: Ilaaha Qaadirka ahi  iima daynin 

Wax aan ahayn maqalkii oo waxa la leyahay 

Un baan maqlaa markastana waxaan maqlaa

wax i xanuujiya inta aan sariirta ku jiifay.


Waxaan lahaa Xaas waxay biya isiin jirtay anigon oon iyo haraad midna ihaynin. marka aan oomo ee uu haraadku iqabtana ima siso

Biyo aan cabo waxay cuna isiisaa anogoo dharagsan oo aan cuno rabin .marka aan gaajoodana ima siiso wax aan cuno sidaa ayaan kunolaa waxaan dha dhamiyay hoog qadhaadhka nolosha iyo xanuun qalbiga ah.


Wuxuu yidhi anigoo sidii uun u silicsan ayaa maalin maal maha kamid ah waxaa xaaskaygi utimid mid kamid ah hawenkii jaarka nala aha

Waxaan maqlayaa hadalkeeda oo dhan waayo waxay dultaagan tahay sariirta aan dul jiifo ma arko mana awoodo inaan la ahadlo jidhkaygii madhadhqaajin karo kuligii .


Haweenaydii waxay xaaskaygii ku tidhi iigawaran  xaalada ninkaagii xanuunsanayay

xaaskaygii ayaa tidhi. Ma noola oo noloshisa ma rajaynayno inuu noolaado mana dhimanin si aanu uga samiro maydkiisa 😭😭😭😭


Wuxuu yidhi: waxaa igubay oo ixanuujiyay erayadii ay lahayd xaaskaygu  ilaa ay ilmadii jidhkayga ka so bixi waydo waxaana ooyay anigoo duljiifa furaashakaygii laakiin oohin  tayda cidi ma maqli karto laakiin qalbiga ayaan ka daremayaa xanuun naarta ka dar.


Wuxuu yidhi: markii lagadhay habenka qaybtii sii danbe ilaahay ayaan baryay Subxanuhu watacala waxaana tukaday oon qalbiga ka tukaday salaatu layl kii  waxaanan ku dheeraaday barayadii iyo ducadii  anigoo ooyaya oo Ilaahay weydiisanaya gargaar, ilaahayna waan baryay dedna waxaan dareemay xanuun daran oo jidhkii ixanuunayo 

Waxaana iga awood batay xanuun kii aan daremayay ilaa aan miyir doorsoomo anigii. 


Wuxuu yidhi: Saacado kadib waan toosay waxaanan arkay gacantii oo laabtayda saran,

Wuxuu yidhi: Waan dhaqaajiyey, way ba 

 dhaqaaqaysaa, gacanteydii  hadan tiii kale ayaan dhaqaajiyay way dhaqaaqaysaa,

Labadii lugad ayaan dhaqajiyay  iyagiina 

way dhaqaaqayaan. Alxamdulilaah 🤲


Wuxuu yidhi: waan ka istaagay meeshii aan mudada badaan jiifay anigoo hadlaya waxan furay albaabkii waxaana usoo baxay banaankii waxaan eegay xidhigihii anigoo le( ﻳﺎ ﻗﺪﻳﻢ)

Yaa qadiim waxaad ku mahadsantahay ixsanka aad iisa maysay waxaan milicsaday 

 Hareerahaygii anigoo le ilaahayow adiga unbay mahadoo dhan kuu sugnaatay. 

Adi ayaa kadulqaada dhibka ka dhiban

marka uu ku baryo anigana iga dulqaaday.

 

Farqiga inoo dhexeeya waxaa weyaan idinku waxaydaan darensanayn qiimaha iyo nimcada caafimaadka uu ilaahay idin siiyay aniguna waxaan garanyaa xanuunka cafimad darada !!


Miyaana ahayn ilaahay adoon ku xamdiya caafimadka uu isiiyay ilaahay ? Sidii ayaan ku bilabay cibaado joogta ah markaan ogaday qiimha uu leyahay caafimaadku .


Post a Comment

0 Comments