Dadkii magaalada uu joogay ayaa waxay ka codsadeen inuu qasadii toobadkeenkiisa dadka uga sheekeeyo oo uu masaajidka ka akhriyo
Dadkii baa dumar iyo rag masaajidkii yimid !!
-Bal maqal sida uu ugu toobad keenay Ilahay
Wuxuu yidhi: waxaa i qaniinay mas dedna waxaan dareemay - xanuun aad udaran ,
xoogaa kadib mayna dareemayn gacantaydu
Xanuunkii Waxaa i angagay/i,qalashay gacantii midig
Wuxuu yidhi: Maalmo ka dib gacantaydii kale ee bidix iyaduna way i angagtay/i qalashay
mana garanayo waxaan sameeyo iyo waxaan sameeynin midna madamoo iqalaleen.
Wuxuu yidhi : markaam maalmo sidi ahaa, hadan waxaa i angagtay mid ka mid ah lugahayga saacado markaan joogayna waxaa i qalashay lugtaydii kale waxaan la i saaray sariir maadaamoy xunbihii i,wada an,gageen.
Ma awoodo inaan dhaqaajiyo jidhkayga kuligii.
Anigoo siidii ah baan maalmo duljiifay sariirtii
Hadana waxaa i angagay indhihii waxaana noqdya indhoole aan waxba arkaynin mudo
Ayaan sidii ahaa hadana waxaa i istaagay oo qalalay carabkii hadalkiina saasuu igaga xidhmay. Oo mahadli karo
Maxaa ii hadhay wax ii hadhay majiraan ?
Wuxuu yidhi: Ilaaha Qaadirka ahi iima daynin
Wax aan ahayn maqalkii oo waxa la leyahay
Un baan maqlaa markastana waxaan maqlaa
wax i xanuujiya inta aan sariirta ku jiifay.
Waxaan lahaa Xaas waxay biya isiin jirtay anigon oon iyo haraad midna ihaynin. marka aan oomo ee uu haraadku iqabtana ima siso
Biyo aan cabo waxay cuna isiisaa anogoo dharagsan oo aan cuno rabin .marka aan gaajoodana ima siiso wax aan cuno sidaa ayaan kunolaa waxaan dha dhamiyay hoog qadhaadhka nolosha iyo xanuun qalbiga ah.
Wuxuu yidhi anigoo sidii uun u silicsan ayaa maalin maal maha kamid ah waxaa xaaskaygi utimid mid kamid ah hawenkii jaarka nala aha
Waxaan maqlayaa hadalkeeda oo dhan waayo waxay dultaagan tahay sariirta aan dul jiifo ma arko mana awoodo inaan la ahadlo jidhkaygii madhadhqaajin karo kuligii .
Haweenaydii waxay xaaskaygii ku tidhi iigawaran xaalada ninkaagii xanuunsanayay
xaaskaygii ayaa tidhi. Ma noola oo noloshisa ma rajaynayno inuu noolaado mana dhimanin si aanu uga samiro maydkiisa ðŸ˜ðŸ˜ðŸ˜ðŸ˜
Wuxuu yidhi: waxaa igubay oo ixanuujiyay erayadii ay lahayd xaaskaygu ilaa ay ilmadii jidhkayga ka so bixi waydo waxaana ooyay anigoo duljiifa furaashakaygii laakiin oohin tayda cidi ma maqli karto laakiin qalbiga ayaan ka daremayaa xanuun naarta ka dar.
Wuxuu yidhi: markii lagadhay habenka qaybtii sii danbe ilaahay ayaan baryay Subxanuhu watacala waxaana tukaday oon qalbiga ka tukaday salaatu layl kii waxaanan ku dheeraaday barayadii iyo ducadii anigoo ooyaya oo Ilaahay weydiisanaya gargaar, ilaahayna waan baryay dedna waxaan dareemay xanuun daran oo jidhkii ixanuunayo
Waxaana iga awood batay xanuun kii aan daremayay ilaa aan miyir doorsoomo anigii.
Wuxuu yidhi: Saacado kadib waan toosay waxaanan arkay gacantii oo laabtayda saran,
Wuxuu yidhi: Waan dhaqaajiyey, way ba
dhaqaaqaysaa, gacanteydii hadan tiii kale ayaan dhaqaajiyay way dhaqaaqaysaa,
Labadii lugad ayaan dhaqajiyay iyagiina
way dhaqaaqayaan. Alxamdulilaah 🤲
Wuxuu yidhi: waan ka istaagay meeshii aan mudada badaan jiifay anigoo hadlaya waxan furay albaabkii waxaana usoo baxay banaankii waxaan eegay xidhigihii anigoo le( ﻳﺎ ﻗﺪﻳﻢ)
Yaa qadiim waxaad ku mahadsantahay ixsanka aad iisa maysay waxaan milicsaday
Hareerahaygii anigoo le ilaahayow adiga unbay mahadoo dhan kuu sugnaatay.
Adi ayaa kadulqaada dhibka ka dhiban
marka uu ku baryo anigana iga dulqaaday.
Farqiga inoo dhexeeya waxaa weyaan idinku waxaydaan darensanayn qiimaha iyo nimcada caafimaadka uu ilaahay idin siiyay aniguna waxaan garanyaa xanuunka cafimad darada !!
Miyaana ahayn ilaahay adoon ku xamdiya caafimadka uu isiiyay ilaahay ? Sidii ayaan ku bilabay cibaado joogta ah markaan ogaday qiimha uu leyahay caafimaadku .


0 Comments