Subscribe Us

header ads

SIRTA FARXADDU MAAHA TAAJIRNIMADA EE WAA QANAACADA DHABTA AH_"MURTIDA NOLOSHA"

Marar badan waxaa dhacda in aadan ku qanacsaneyn noloshaada, halka dad badan oo Dunida ku nool ku riyoonayaan noloshaada oo kale inay helaan. 

Wiilka Beerta jooga wuxuu arkaa diyaarad dushiisa maraysa, wuxuuna ku riyoodaa inuu duulo. Laakiin, Pilot-ku wuxuu arkaa beerta quruxda badan wuxuuna ku riyoodaa inuu guriga ku soo noqdo si nabad ah.


Haddii Taajirnimadu tahay sirta farxada, kuwa taajiriinta ah ayaa ku ciyaari lahaa wadooyinka, Laakiin caruurta saboolka ah keliya ayaa sidaa sameeya iyagoo faraxsan.

Haddii Xukunka iyo Awoodu xaqiijiyaan Amni, Madaxda ayaa lugeyn lahaa iyagoo Ilaalo wadan, Laakiin kuwa u nool sida fudud ayaa u seexda si Nabad ah.

Haddii Qurux iyo sumcad keenaan xiriir mitaal ah, kuwa caanka ee heesa ama Filimaanta jila ayaa yeelan lahaa Guurka ugu wanaagsan, balse waxay hada heystaan diiwaanka furiinka ugu badan.

U noolow si fudud, U soco si degan. U jeclow si dhab ah.

Post a Comment

0 Comments