Haddii aan wax uun ka baranay nolosha, waa in mararka qaar, waqtiyada ugu mugdisan ay na geyn karaan goobaha ugu iftiinka badan. Waxaan baranay in dadka ugu xun ay na bari karaan casharada ugu muhiimsan, in halgankeena ugu xanuunka badan uu ina siin karo koriimada lama huraanka u ah nolosheena, & in kala harka qalbi-jabka ah ee saaxiib ama jaceylkaaga uu wadada u xaari karo dad cajiib ah inay noloshaada ku soo biiraan. Waxaan baranay in wax hada kuula muuqda inkaar uu xaqiiqdii kuu noqon karo barako, in wax kuula muuqda dhamaadka wadada run ahaanti uu kuu yahay helida dhabo kale oo aad ku socdaasho.
Waxaan baranay in si kasta oo duruuftu u adag tahay, ay had & jeer jirto Rajo. Waxaan baranay in si kastoo aan u dareeno daciifnimo ama sida xun oo xaaladu u muuqato, inaynaan is dhiibin oo quusan ee aan horay u soconaa. Xitaa marki ay cabsi jirto, xitaa marki tabarta oo dhan u muuqato inay naga tagtay, waa inaan nafta sare kicinaa, horayna u dhaqaaqnaa, sababtoo ah wax kastoo aan hada u halgameyno, waxay naga dhigayaan in aad imtixaanka gudubtay ama nolosha ka dhacday.
Goortii aan ku jirno bartamaha waqti shiddo way adag tahay inaan sawirano in xaaladu hagaageyso. Hase yeeshee, safarka aan gudbeyno ayaa naga dhigi kara qof nolosha is dhiibay oo murugo & tiiraanyo la nool ama qof horumaray oo karti & xilkasnimo u siyaaday.
Waxaan idiin rajeynayaa dhamaan inaad ku noolaataan Nolol Qiimo, Qaayo, Qurux iyo Qanacsanaanba leh.
Nagu so biir haddi aanad hore noola socon➡️
#dunida_aamusan☑️


0 Comments