Subscribe Us

header ads

FARIIN JACAYL AH OO AAD U QURUX BADAN.

Adigu waxaad tahay Aadmi aan barto Ruuxii ugu Quruxda badnaa, Qalbi Saafi ahna lahaa, balse Ogow Ereyada ka soo baxaysa Afkeyga, maaha Ereyo aan kugu Sasabanayo, ee waa Ereyo aad Adiga iga Kasbatay.


  Maskaxdeyda ma joojiso ka Fikirkaaga, Qalbigaygu ma daayo Jacaylkaaga, Afkeyguna sidoo kale Ammaantaada, Dhegaheyguna sida Caajisaan Dhageysiga Dawaaqaaga Macaan. Waxaad tahay Ruux aan Aaminay inaan Anigu Hantay, isla helay aan Anigu haysto Abidkeyga aan iga Fogaanayn. Waxaa kaloo tahay Ruux aan sabab uga dhigin Farxadeyda. Jaceylka waad ii Hibeysaa, Dareen qeybsina waad ila sameysaa.



Waan ku Dhowranayaa, wax kasta oo iga kaa Fogeynayana waan kaa ilaashan. Dhab ayaan kuu Jeclahay, dhab ayaan Farriinta kuugu soo diray. Mar walbana waxaan ku leeyahay:- GACALISO AAD AAN KU JECLAHAY. 


        HELITAANKA QOF SI DHAB AH KUU JECEL WAA 

               NASIIB LA IS DHEER YAHAY!

Post a Comment

0 Comments