Subscribe Us

header ads

10 TALAABO OO SARE U QAADAYA KALSOONIDA NAFTAADA



1. TUKO SALAADA SUBAX.                                

Marki ugu horeysa aad hurdada ka toosto Ku Shugri Allihi ku siiyay fursada labaad ee Nolosha, ka dib Tuko Salaada Subax waqtigeeda, tani waxay ku siinaysaa Kalsoonida ugu sareysa & in aan maalintaa si fiican kuugu bilaabato


2. JIMICSO.

Jimicsiga wuxuu sare u qaadaa qaab-dhismeedka jirka, wuxuu qofka siiyaa firfircooni. Waa hab fudud waxtarna u leh inuu sare u qaado kalsoonida qofka


3. U LABISO SI HAGAAGSAN.

Hadii aad si fiican u labisato waxaad dareemaysaa fiicnaan naftaada ah & istareex. Ma aha dhar qaali ah, laakiin waa in qofku xirtaa dhar la’eg, aan ku dheganayn oo jirkiisa muujinayn, aadna uga weynayn. Sidoo kale waa in qofku kala gartaa xilliyada dharka, tusaale iyadoo xagaa kulul ah in uusan qaadan dhar qaboobaha loogu talagalay ama midab madow ah si uusan cadceeda u soo jiidan


4. U FIKIR SI WANAAGSAN.

Hadii qofka ay ku bataan sheekooyin negative ah, wuxuu bilaabayaa in uu si xun u fakiro, maskaxdiisana daaliyo. U fakir si postive ah, dhanka wanaagsana ka eeg wax kasta


5. NOQO MID NAXARIS BADN OO DEQSI AH.

Dadka oo aad u naxariisato, deeqsi aad noqoto waa waxa ugu sareeya ee qofka siiya farxad taasoo sare u qaada kalsoonidiisa 


6. HEL HURDO KUGU FILAN. 

Jirkaagu wuxuu u baahan yahay 6 -8 saacadood oo hurdo ah habeen kasta. Naf habeenki dhan soo jeeday waxaa ka muuqanaya daal & dhafar, mana heli karto iyo in ay yoolkeeda gaarto


7. KU DEDAL NADAFADA JIDHKAGA OO IDIL

 Hagaaji wixi cillad jira. Hubi in cidayaha, timaha, ilkaha iyo dhamaan jirkaaga ay nadiif yihiin mar kasta. Nadaafadu waa nolol


8. HA SAMAYN IS TUS & HALAGAA SHEEGO.

  inaad u noolaato taasoo muujinaysa inaadan naftaada ku kalsooneyn, dadka kalena aad ka sugeysid ansixin & sharciyeyn


9. DHOOLA CADDEE MAR KASTA.

 Si aad u dhameystirto muuqaalkaaga, dhoola cadeentu waa hab raqiis ah, dadkana lagu kasbado


10. MARKAAD DADKA.LA.HADLAYSO INDHAHA KA.EEG.

 (Ha ku gubin, waa eegmo caadi ah!) Madaxa ha foorarin si daciifnimo ah. Mar kasta ugu yeer magacooda. Si fiican u salaan. Hadalkana ha boobsiin.


``DUNIDA AKHRISKA IYO AAMUSNAANTA``

                  LIKE______`´______SHARE

Post a Comment

0 Comments