Subscribe Us

header ads

25 SIYAABOOD OO AAD NAFTAADA KU DHIIRI GALIN KARTID(Casharada Nolosha)

Ma jitaa hawl intaad bilowday ka dibna aad ka caajistay ama ka niyad jabtay? Waxa la yidhi hadaad heli lahayd qof markasta ku ag taagan ama ku ag jooga oo mar walba naftada wanaaga iyo wixi anfac leh kugu dhirin laha bani aadmiga dadka ugu roon ayaad noqon lahayd. Hadaba madama aanad helayn qof markasta inta kula taagan maxaa xal ah? Xagan waxan kuso qodobeeyey siyaabaha ugu fudud ee aad naftaada ku dhiri galin lahayd.


1-NAFTAADA HESHIIS LA GAL➪ Heshiiska aad naftaada la galaysid wuxu noqon kara mid yar ama mid wayn. Tusaale ahaan naftaada waxaad ku tidhahdaa hadaan laba bog oo quranka ah aan qaybo casho qaali ah ayaan caawa suuqa ka cunaya.


2-ISKA DHIG QOF MARKIISA HORE DHIIRAN➪ Haday jirto hawl aanad u dhiiranayn inaad qabatid ama caajis ku hayo waxaad markaaga hore si nafsaaniyad ah naftada uga dhigta qof xiiso hawsha u haya. Waxa la yaab leh isla daqiiqado gudahood niyadaadu wey isbedalaysa oo xiisaa ku galaya.


3-WAXAD IS WAYDIISAA SU'AALO NIYADAADA KOR U QAADAYA➪ Subax kasta markaad toostid waxaad iswaydiisa su’aalahan oo kale:


Waa maxay waxaan ku faraxsanahay maanta?


Waa maxay sababta aan waxan ugu faraxsanahay?

Dareen nooce ah ayuu waxani i galinayaa?(ku bedel waxa ka farxinaya xagan).

Waa muhim inaad dareenta sidu ku dareensiinayo. Markan ka fakiro siiba su’aasha u danbaysa waxa i gala dareen farxad badan. Ha isku soo koobin su’aalahan oo kaliya, ka fakir qaado ka dibna su’aalo nolashaada ku saabsan oo ku farxad galinaya ama ku xiiso galinaya is waydii subax kasta.


4-YEELO HADAF SARREEYA➪ Waa inaad yeelata hadaf wayn iyo hadaf cayiman. Hadafka sareeya wuxuu naftaada galin karaa dhiiri galin badan siiba markad maalinkasta inyar inyar hadafkaaga inyar aad u jirsato.


5-WAXAAD KA BILAWDAA WAX YAR KADIBNA HORE U SOCO➪ Waxaad ka bilaabi kartaa oo kaliya inaad miiska aad wax ku akhrisanaysid iska habayso ama masaxdo ama aad agagaarkaaga iska nidaamiso, markaad intaa qabatid waxa ku helaya dareen ah inaad wax qabatay kadibna hore ayaad uga socon karta ama hawshaada u gudo gali kartaa.


6-HAWSHAADA INTA UGU CULUS AMA UGU ADAG KA BILAW➪Markaad isdhaafisid ama qabatid hawsha ugu culus ama ugu adag aad maalintaa leedahay isla markiiba waxaad dareemaysaa in maalintaadu fududaday.


7-WAKHTIGAAGA QAADO MARKAAD HAWSHA BILAABAYSO➪ Xagaad hawshaada si dagdag ah ama qabqab ah ugu bilaabi lahayd waxa qurux badan inaad wakhtigaaga ku qaadatid iyo si xasiloon inta hore kadibna aad xawarahaaga kordhisid.


8-NAFTAADA CID AAN AHAYN HA BARBAR DHIGIN➪ Markaad naftaada aad barbar dhigtid qof kale wuxuu dhaawac u gaysan karaa kalsoonidaada iyo dhiranaantaada, waayo markasta waxa jira qof kaa gulo badan. Waxa haboon inaad naftada oo kaliya is barbar dhigtid, sanadkan iyo sanadkii hore maxaa isbedel naftayda ku imid iyo maxaan hor mar gaadhay?.


9-XASUUSNOW GUULAHA AAD GAADHAY➪  Waxa si fudud loo ilaabi kara guulaha aad gaadhay waxana markasta qofkasta ku soo laabta gul darada kaga timi nolasha. Marka si aad horumar nolashaada u gaadhid waa inaad labadan kala badashid oo xasuusnaata guulahaad gaadhay.


10-KU DAYO DADKA WAN-WANAAGSAN➪ Ma leedahay qof aad hiigsatid ama aad jeceshahay sifaadkooda? Waxa nooloshaada bedali kara ama kobcin kara inaad dadka sifaadka wanaagsan kaga dayatid.


11-HA ILOOBIN INAAD NAFTAADA MADADAALISID➪ Si aanad stress ama culays badan u dareenmin waa inaad naftaada madadaalisid.


12-KA BAX WAXA LA YIDHAAHDO BAAXADDA KALSOONIDA (COMFORT ZONE)➪ Baaxada kalsoonidu waxa loo tarjumi karaa waxyaabaha aad markasta si fudud amaba si aan cabsi ku jirin u qaban kartid. Tusaale ahaan hadaad ka baqatid inaad dad hor istaagtid ama ka hor khudbadaysid kuma jirto baaxada kalsoonidaada. Markaa isku day inaad markasta balaadhisid baaxada kalsoonidaada ood qabatid waxyaabaha naftaada ku adag ama ay ka cabsato.


13-HA KA BAQIN GUULDARRADA➪ Guul daradu waa qayb ka mid ah nolosha waa cashar ka mid ah casharada nolosha, ha kuu noqoto tix raaca guulaha mustaqbalkaaga.


14-BAADHITAAN KU SII SAMEE HAWSHAAD QABAN DOONTID➪ Markaad baadhitaan ku sii samaysid hawl aad qaban doontid ama aad waydiisid dad hortaa hawshan qabtay waxad ka sii baaran dagi kartaa dhibaatooyinka kaa hor iman kara. Laakin yaanu noqon wax ku niyad jabiya markad maqashid dhibatooyinka kaa hor iman kara.


15-WAA INAAD GARATAA ASBAABTA AAD HAWSHA U QABANAYSID➪ Hadaanad ogayn sababaha aad hawshan u qabanaysid ama aanad lahayn asbaab adag oo ku qancisa wuxuu kugu keeni karaa inaad hawsha caajis badan ka muujisid.


16-SII QOR HADAFKAAGA  IYO SABABAHA AAD HADAFKAN AAD U LEEDAHAY➪ Ku dhaji meel aad arki kartid maalinkasta ama sariirtaada agteeda ama computerkaaga wallpaperkiisa si aad u xasuusnaato.


17-KU DADAAL MAR KASTA NIYADAADA IYO FIKIRKAAGU INUU NOQDO MID POSOTIVE AH➪ Markasta hadaad wanaag ka fakirtid oo aad wanaag samaysid niyadaadu waxay noqonaysa mid farxad badan. Ilaahay ayaa qoray qadarka markaa waa inuu noqdaa mid aad markasta ku qanacsan tahay.


18-TVGA ISKA YAREE➪ TVgu wuxu noqday waxa ugu wakhti lumis badan. Ku dadaal inaad yareesid hadaanad goyn karayn.


19-HAWSHA YARYAREE➪ Hawshad leedahay markaad yaryaraysid waxay noqonaysa mid dhib yar. Waa inaad u yeesha talaabooyn yaryar. Is waydii waxa ugu horeeya waa maxay iyo talaabooyinka xiga. Markaad samaysatid liis ama shax hawleed aad ku maamushid hawshaada waxay ka yaraynaysa baahsanaan ku soo waajihi karta. Markastoo talaabo ku guulaysato naftaada dhiranaan ayaa galaysa oo kugu dhiirinaysa talabooynka kale.


20-DIB NAFTAADA U PROGRAM GAREE➪ Ka fogow waxyaabaha naftaada murugo galiya iyo waxyaabaha negative ah. Inkastoo ay wanaagsan tahay inaad ogaatid waxa caalamka ka dhaca laakin isku day inaad wararka tvga iska yareeso waayo markaad aragtid dagaalada iyo waxyaabaha aduunka ka socda adoon waxba ka qaban karin faa'iido kuu yeeli mayso inaad ka xumaatid mooyane. Ku dadaal inaad naftaada ka buuxisid war farxad leh.


21-ADEEGSO AWOODDAADA MASKAXEED EE UU RABBI KU SIIYAY➪ Soo qaado xaashi cad iyo qalin, ka dibna xaga sare ku qor qayb noloshaada ka mid ah aad rabtid inaad wax ka bedeshid. Ka dibna qodobee fikradahaaga aad isleedahay hadaad ku camal fashid inu qaybta noloshaada kor u qaadayo. Waxaad qortaa ugu yaraan 20 qodob, ka dibna raaci 10 qodob oo kale. Qodobada aad qortay kama dhigna inay wada saxan yihiin ama dhamaantood wada wanaagsanyihiin laakin qasab waxa ka soo bixi doona qodobo aad u wanaagsan oo anfac leh. Qaabkan waxaad ku baran karta sida fikirado badan lala soo baxo.


22-WAXAAD OGAATAA WAXYAABAHA KAA FARXIN KARA KADIBNA SAMEE➪ Laakin yaanay noqon wax hawlahaaga kale kaa mashquuliya.


23-WAXAAD DHAGAYSATAA MUXAADAROOYIN IYO KHUDBADO NAFTAADA KOBCINAYA➪  Waxa jira muxadarooyin badan ama khudbado internetka ka buuxa oo ku dhiiri galin kara. Tusaale ahaan hadaad doonaysid inaad quraanka kariimaka qaybtid waxaad dhagaystaa muxaadarada Sh. Mustafe (Awoodaha Ilaahey Inasiiyay oo Aynu Dayacnay).


24-BADEL QAABKAAD U FIKIRTID➪ Qof kastaba si buu u fikiraa waxaad isku daydaa inaad badeshid qaabkaad u fikirtid.


25-WAKHTIGAAGA ILAASHO➪ Hantida kaliya aynu haysano waa wakhtiga markaa isku day inaad ilaashatid wakhtigaaga.


Nagu so biir haddi aanad hore noola socon➡️


#dunida_aamusan☑️

Post a Comment

0 Comments