Jaceylku waa dareen oo si dhab ah loo muujiyo. Marka lamaanaha ay si dhab ah isku jecelyihiin, waxay wada qaataan waqti ay ku sameeyaan waxyaabaha qaar
1-Way xidhiidhaan
Lamaanaha isjecel maalin kasta ayay isla hadlaan; waxay ka wada hadlaan waxyaabaha kusoo kordha noloshooda iyagoona midba kan kale uu warkiisa maqlo. Waxa ay ka simanyihiin lamaanaha isjecel ayaa ah xiriirka
2-Jacaylkooda ayay muujiyaan
Lmaanaha isjecel waxay sidoo kale raadiyaan habab ay iskugu muujiyaan jacaylkooda iyo qiimaha midba kan kale uu ugu fadhiyo. Waxa uu midba kan kale u sheegaa sida uu dareemayo.
3-Way isku naxariistaan
Lamaanaha sida dhabta ah isku jecel waxay midba kan kale u sameeyaa waxyaabo wanaagsan. Had iyo jeer maskaxda ayay iskaga jiraan oo way iska fekeraan, sidaa darteed mid walba waxyaabo naxariis leh ayuu kan kale dhahaa iyagoo naxariis isku muujiya.
4-Way is qadariyaan
Lamaanaha sida dhabta ah isku jecel sidoo kale waxay wada qaataan waqtio ay isku qadariyaan. Mar walba waxaa jira wax ay isku qadariyaan maalin kasta , lamaanaha dhabta isku jecelna kuma guul dareystaan inay isqadariyaan oo ay isxushmeeyaan.
5-Way iska farxiyaan
Lamaanaha jacaylka dhabta ah isku qaba waa kuwo iska fekera; halka wax ay si joogta ah usameeyaan maalin walba ayaa ah in qof walba qofka kale uu ka farxiyo, lamaanaha iska farxiya farxad ayay ku noolaadaan


0 Comments