1. Kama dhex arki kartid sawirkaaga hummaagiisa biyo kulul dhexdood. Sidoo kale, ma arki kartid xaqiiqda iyo qiimaha naftaada marki aad cadheysan tahay. Jooji xanaaqa.
2. Dadka qalbiga jilicsan ma aha nacasyo, way garanayaan waxa dadka ku sameeyeen, laakiin way cafiyaan, sababto ah waxay leeyihiin Qalbi qurux badan.
3. Si kastoo gurigaagu u weyn yahay, Gaarigaagu u sareeyo ama keyd badan Banki kuu yaal; Qabriyadeenu waa isku cabir. U noolow si aan isla weyni iyo kibir lahayn.
4. Marnaba ha ka quusan waxa aad si dhab ah nolosha u rabto. Way adag tahay in la sugo, balse waxaa ka sii daran in laga shalaayo.
5. Noloshu waxay macno badan yeelataa marki aad garowsato xaqiiqda fudud ee ah in fursad isku mid ah aysan laba jeer ku soo mareyn. Ka faa’iideyso fursad kasta.
6. Qofka sida dhabta kuu jecel wuxuu kaa hor istaagaa inaad Dambi sameyso. Qofka cadowgaaga ah wuxuu ku baraa inaad Dambi sameyso.KALA_BARO_DADKA.


0 Comments