Subscribe Us

header ads

QISO CAJIIB AH


Reer buu gabadh ka Dooney markii gabadhii loo soo fariisiyey waxay ku tiri Quraanka ma xifdisantahay?

Wuxuu yiri: ``Maya hadaan Xifdiyi.``


Wuxuu ku yiri: ``Adiguna`` waxay tiri Juz Camma waan Xifdisanahay.


Way Ogolaatey markay aragtey inuu run sheegayo kadibna Way isguursadeen Waxay wada Bilaabeen inay Quraanka wada Xifdiyaan, markay dhammeeyeen Waxay Bilaabeen Xifdinta Bukhaariga.


Maalintii Danbe ayuu wadaadku damcay in uu Gabadha Aabaheed ugu Bishaareeyo in Gabadhiisii Quraanka Xifdidey, Wuxuuna Yiri " Inantaadii Quraanka Ayeey Xifdidey".


Odaygii intuu la yaabey Ayuu Soo Qaadey Ijaazooyinkii ay hore u haysatey intaan la guursan ee Cadaynayey inay Tahay Xaafidad wuxuuna Soo hordhigey Ninkii!.


Gabadhaasi waxay ka xishootey inay Iska Sara mariso ninkeeda maadaama uusan Aqoon Quraanka waxayna isaga Dhigtey Qof aan Quraanka Aqoon waxayna Sabab u noqotey inuu Saygeedu Quraanka Xifdiyo.


Hadaad wax baratey dadka ha iska saraysiin waxaa jira kuwo Qarsoon oo kaa Cilmi Badan ilaahayna kaaga Dhaw.



                       SHARE _`|_|´_                  

Post a Comment

0 Comments