Waa maalin xagaa ah oo qurux badan, xilliguna duhur yahay, kayntu waxay ahayd mid buuq la’aan ah, wax walbana ay jiifaan.
Markaas ayaa dabagaalle (Uunreys/Tukulush) yar oo ciyaar badan, geedahana ku boodbooday, cod dheer ku dhahay.
“Ii sheega, haddii run loo hadlo waa maxay nolosha?”
Dhammaan intii maqashay way taabatay ama saameysay su’aasha sidaasi u adag, waxayna bilaabeen inay jawaabta ka fikiraan.
Balanbaalis ciyaar badan ayaa ubax ay saarneyd ka booday, mid kalena u booday oo tiri: Noloshu waa mid midabo badan, oo farxad iyo cadceed miiran ah.
Quraansho (Quraanjo) meel ay biyo fadhiyaan ku jiidaysay cunto ama alaab culus oo ay wadatay ayaa tiri: Noloshu waa dadaal (tacab) miiran iyo shaqo adag.
Ubax soo baxayay oo asigana baalashiisa markaasi ay kala furmi rabeen ayaa yiri: Noloshu waa horumar sameyn joogto ah iyo kobac.
Xayawaan sidii jiirka cml ah oo dhulka hoostiisa ku nool, ayaa madaxiisa dhulka kasoo bixiyay, wuxuuna dhahay: Noloshu waa hardan ama dagaal mugdiyada dhexdooda ah.
Shinni dadaal badan oo markaasi howl ka baxday, ubax ka duulaysay, ubax kalena u duuleysay ayaa tiri: Noloshu waa isbedel u dhexeeya shaqada iyo raaxada.
Geed da' ah oo xididihiisa ay si qoto dheer dhulka ugu jiraan, dabeelaha iyo duufaanadana ay sanado badan ruxayeen, mid qalloocanna ka dhigeen ayaa yiri: Noloshu waa in madaxa hoos loo dhigo ama loo foorarsado wixii awoodo sare ah.
Gorgor hawadaasi sare maraya ayaa asigana si heybad sare leh usoo kala wareegay oo yiri: Noloshu waa yool dhanka sare la hiigsanayo.
Qaanso roobaad ayaa ayadana meesha martay oo tiri:
Noloshu waxay ka kooban tahay illin (illimo) fara badan.
Bakayle ayaa asigana meesha bood boodayay oo yiri:
Noloshu waa isbedel, uu jihadeeda ama dhanka uu u socdana qof walba asiga dooran karo.
Wabi biyihiisa xoor badan ama xunbo u yeelay ayaa hirkiisa oo xoog badan ku dhuftay daantiisa ama jiinkiisa, asigoo is dhahaya meeshaan ka gudub, wuxuuna yiri: Noloshu waa halgan natiijo la’aan ah oo xorriyad lagu doonayo.
Wadahalladaasi waxay socdeen saacado dhan illaa iyo habeenkii xilli danbe. Waxaa xataa meesha ka dillaaci gaaray dood iyo is qabqabsi adag.
Guumeys shanqar la’aan kaynta dhex duulayay ayaa asigana yiri: Noloshu waa in fursadaha la haysto la isticmaalo, marka ay dadka kale jiifaan.
Nin gurigiisa u carraabayay (u hoyanayay) ayaa asigana yiri: Noloshu waa baadi goob joogto ah oo jaceyl iyo farxad la baadi goobayo, mararka qaarna waa silsilad dhan oo niyad jab miiran ah.
Markaas ayuu waagii baryay (Subixii soo baxay), wuxuuna yiri: Sida anigaba bilaawga maalin cusub oo kidis iyo waxyaabo lama filaan miiran ah wadato aan u ahay, ayay nolol walba u tahay mid sheekadeeda u gaarka ah oo fariidka ah wadato.
Waa sheeko Af-Jarmal ku qorneyd oo aan idiin soo tarjumay.
Maxaa kaaga baxay dhanka fahanka nolosha?
•𝑬𝒊𝒅 𝑴𝒐𝒃𝒂𝒓𝒂𝒌...


0 Comments